Qormo:-PL haku mashquusho Dowlad dhiskeeda iyo horumarkeeda

PL Jaamacadaheeda iyo horumarkeeda,ayay ku mashquulsan tahay oo waa ka gudubtay wakhti ku lumintii Somali weyn Qaran ah.

Badalka Dowlad dhis Somaliyed,waxaan gelinaynaa Dowlad dhis PL oo yoolkeedu yahay isku filnaansho dhan walba ah.

Ku milanka Koonfur,waxay nagu ahayd,waxaanan ka fiirsan oo qiiro Somalinimo na gelisay,waxayna ahayd khalad weyn oo aan galay dib in aan ugu aqoonsano Caasimad Xamar oo aan weliba horkacno Dowladnimo lagu cesho.

Maanta meel fiican ayay noo maraysaa,waxaana haysanaa Maamul noo dhismay iyo fursado waa weyn.

Shaqada ugu horaysa,waa in aan kala miirno PL iyo Koonfur oo aanan Qayb ka noqon DG-yada Magaca ah iyo Maamulka Villa Somaliya ee aan macnaha lahayn.

Somaliya,waa Sadex Qaybood oo kala ah……

1.SL.
2.PL.
3.K&B.

Sadexdaas,waxay kala wataan Sadex Calan iyo Sadex Dastuur in ay dib umidoobaan,waxay ubaahan tahay……

B.Nidaamka lawada qaadanayo.
T.Dastuur.
J.Caasimad.

Halkaas ayay noo joogaysaa,balse Qof Shaqo gaaban,waa uraadsan karaa.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading