Qormo:-Reer Mudug iyo Taageerada Maamulka Siciid Deni

Madaxweyne Cadde Muuse rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo.

Wuxuu ahaa mid ka mid ah hogaamiyayaashii qiimaha badnaa ee PL ay lahayd.

Siduu PL uhogaanshay,isla markaana door weyn uga qaatay Dowlad dhiska Somaliya oo ubari taaray Dowladii KMG ahayd ee MW Cabdullaahi Yuusuf hogaaminayay,waxay gashay taariikhda.

Marka laga soo tago in Shaqo Qaran lawada qabanayay hadana Cabdullaahi,waxa uu kasoo jeeday Mudug,halka Cade kasoo jeeday Bari.

Maanta,waxaa booskii fadhiya Siciid Deni oo kasoo jeeda Bari,waxaana loo baahan yahay reer Mudug in aysan cidna wax ula simin oo ay Naf iyo Maalba dul dhigaan.

Daba dhilifnimo mahan oo ha dhibsanina Erayada khaldan ee laydinku dacaayadeeyo ee ah. ( Deni,ayay U Niikiyaan Reer Mudug).

Nin la Qiyam ah oo hankiisa oo kale leh oo wax diidi kara,waxna raba kuma jiro kuwa Siyaasada noogu jira Maanta.

Halkii Cade,ayaan taaganahay oo waxaan leenahay (Waxaan unahay Daba dhilif ka daba sabciya,sababtoo ah,waa hogaamiye macno leh).

Deni si degan,ayuu wax ku wadaa ilaa iyo hada oo talaabooyinkii loo baahnaa mid mid,ayuu ufulinayaa.

Talo qaadasho,ka fiirsasho,deganaan iyo Shaqo daacadnima ah,ayaa ka muuqata MW Deni.

Kursiga,isagaa ku fadhiya in uu guulaystana,waxay ka dhigan tahay in aan wada guulaysanay.

Deni ka macno badan 70-ka Nin ee Xamar ka raadinaya Shaqada gaaban ee yaan lala simin.

WQ/JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading