Qormo:-Xasan,waa fashilmay ee yuu galaafan doonaa?

Warqadan,waa farsamo looga siibanayo fashilkii Shirka.

Mid way cadahay in uu Fashil weyn ku dhacay qorshihii Xasan ee mudo kororsiga.

Balse Axmed Madoobe,ayuu rabaa in uu sii galaafto oo isagana ka Ciideeyo 5-ta Sano ee usalaxan.

Xasan Shiikh,waxaa uqorshaysan in uu wakhtiga ka dilo JL oo NOV gaarsiiyo,iyadoon JL Doorasho qaban ,kadibna DFS soo saarto Warqad ay ku sheegayso in hay’adihii Maamul ee JL wakhtigii ka dhamaaday oo aysan Sharci ahayn.

Hay’adaha Dowladeed ee JL waxaa wakhtigu kaga eg yahay 14-NOV ee Sanadkan,waxaana laga rabaa Axmed ka hor in Doorasho galiyo oo la helo Maamul cusub oo haysta mudo xileed.

Axmed,waa in uusan dhag jalaq usiin Dadka loosoo diray ee maaweelinaya oo uu maalmahan sii daayo Gudigii Doorashada,isla markaana NOV uu gaaro,isagoo isdoortay.

Xasan,waa xaqiiqsaday in aysan hirgalayn mudo kororsigii uu ka Shaqaynayay,waxuuse rabaa in uusan kaligii dhiman ee lala dhinto.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading