Koox ganacsato ah oo mataleysa cisbitaallada ayaa muujisay cabsida ku saabsan qorsha caafimaadka ee Jamhuuriga ay wadaan.
Kooxda waxay sheegtay in dadka aan waxba haysan ee Amerikaanka ah ay wayn doonaan ceymiska caafimaadka.
Ururka cisbitaallada Mareykanka ay ku mideysan yihiin ee AHA wuxuu sheegay in dadka “ugu nugul” xaaladdooda shaki uu gelin karo qorshaha cusub.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la kulmay mudanayaasha Congress-ka Arbacadii, wuxuuna u sheegay inuu taageeray xeerka.
Jamhuuriyiinta qunyar socodka ah ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin in dadka masaakiinta ah laga qaado kaararka ceymiska.
Qorshaha csusb oo loo bixiyay, Xeerka Caafimaadka Amerika, wuxuu badalayaa midka caafimaadka ee qofkastaa uu awoodo ee hadda loo garanayo Obamacare.
Midka cusub wuxuu dhigayaa:
- In la xadida dhaqaalaha federaalka uu ku bixiyo caafimaadka loo garanayo Medicaid, kaas oo taageero dadka dakhligaadu hooseeyo
- joojinta shuruudaha qofkaste u saamaxaya inuu ceymiska helo
- in la bedelo kaabidda canshuuraha
Sida guud, qorshaha waxaa la filayaa in dad ka yar kuwa hadda heli kara ceymiska Obamacare uu ka daboollo baahida caaafimaadka.
Balse weli lama garan karo tirada dadkaasi iyo dhaqaalaha ay ku bixinayaan, waxaana suuragal ah in ay qaadato isbuuc kale.
Balse, qorshahan ayaa maridoono, aqalka congress-ka ka hor inta uusan meel marin.
Maxay cisbitaallada iyo dhaqaatiirta ka dheheen qorshan?
Gudoomiyaha ururka AHA, oo ah midka matala 5,000 oo cisbitaal iyo xarumo caafimaad, wuxuu warqad uu u diray Congress-ka ku sheegay in awoodda ku biiridda qorshaha “aad ay u cabad badan tahay”.
Wuxuu sheegay in uusan qorshaha lahayn qiyaas cad oo ku saabsan miisaaniyadda ku bexeysa.
Balse qorshaha “wuxuu si weyn u jaridoona barnaamijka lagu taageero dadka saboolka ah”, sida uu sheegay Rick Pollack.
Qoraal kale oo koox dhaqaatiir ah ay u qoreen Jamhuuriyiinta wuxuu Congress-ka ka dalbanayaa in la xushmeeyo ceymiska caafimaadka ee dadka saboolka ah.
Yaa u taagan qorshahan caafimaadka ee maamulka Trump?
Afhayeenka aqalka Congress-ka, Paul Ryan ayaa qorshaha ku tilmaamay “diiwaanka rabitaanka muxaafidka” iyo “taariikhda, farxadda is bedelka muxaafidka”.
“Tan waa midda aan ku riyoonay anagoo sameyneyna”, ayuu u sheegay saxafiyiinta.
Madaxweyne Trump wuxuu ololaha doorashada ku galay in la bedelo ceymiska caafimaadka ee Obamacare.
Wuxuu ku tilmaamay ceymiskaasi mid sare u qaaday dhibaatada, sidoo kalena aan lahayn rabitaan shacab.
Afhayeenka aqalka Cad, Sean Spicer wuxuu sheegay in madaxweynaha “uu diyaar u yahay meelmarinta”.
Balse, ka hor inta uusan ka dhaadhicin shacabka, wuxuu u baahan yahay in shakiga xisbigiisa ku dhex jira uu ka saaro.
Jamhuuriga waxay maamulaan Aqalka Cad iyo labada gole ee baarlamaanka, balse ma cadda in qorshaha uu heli karo cod lagu meelmariyo.
Qorshaha “wuxuu ku dhamanayaa” albaabka senate-ka, ayuu yiri senator-ka laga soo doortay Kentucky, Rand Paul.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.
Be the first to comment on "Qorshaha Caafimaadka Trump oo mucaaradad xoog leh ay ka hor timid"