Qorshayaasha 2023 Ee W.Waxbarashada PL Oo la diyaarinayo

Kulan ujeedadiisu ay ahayd in dib loogu eego qorshayaashii Waxbarasho ee 2022 iyo diyaarinta qorshayaasha hortabinta leh ee sannadkan 2023 oo ay yeelanayaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo hay’adda UNICEF,ayaa ka furmay Garowe.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xasan oo furay kulankaas,ayaa ku ammaanay shaqaalaha shaqada ay soo qabteen sannadkii la soo dhaafay ayna waax waliba ka mira dhalisay kaalinteedii.

“Nidaam waxbarasho oo horseed u ah wadajir bulsho, waddaniyad, caddaalad, nabad iyo hormar waara ayaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland waxa ay ku saleysay dejinta qorshe lagu hagayo shuruuc kuna qotoma adeeg waxbarasho oo tayo leh, islamarkaana bulshadu ay si siman u wada helaan 2023″Ayuu yiri Wasiirku.

Kulankan ayaa soconaya muddo Labo maalmood ah oo looga doodayo qorshayaasha cusub ee 2023.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading