Waxay ahayd xili ku aadan 1981-1982 waxaan joogay qurbaha, magaaladii aan joogay waxaa yimid wafdi ka socda qabiilka Isaaq ah oo ay isa soo khilaafeen Cadbulaahi Yusuf oo diiday in laga garab furo jabhad kale, kuna eedeeyey jabhadii ay nimankaasi wafdiga ah furi lahaayeen in ay goosasho rabaan, waxayna dacwadoodii gaadhay ilaa Qadaaffi, wuxuuna Cabdulaahi ku guulaystay in Itoobiya diido in la furo SNM.
Nimankii rabeen in ay furaan jabhada waxay aadeen Londan oo ay warqad ku socota Mingiste iyo waddamo reer Galbeedka ah sida Maraykanka qoreen, warqadaa oo aan si aan loogu talagalin u arkay waxay sharxaysay asbaabta ay ku fiican tahay in Daarood wadanka Soomaaliya oo dhan laga saaro.
Waxayna u qoray sidatan:
Soomaaliya iyo wadamada la dariska ah wax khilaafaad ah kama dhaxeeyo ee wuxuu khilaafaad ka dhexeeyaa qabiilka Daaroodka ah oo is raadinaaya iyo wadamada Itoobiya iyo Kiinya.
Sababtaas bay madaxdii Daaroodka ahaa sida Axmad Guray, Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Cabdirashii Cali Sharmaarke iyo Siyaad Barre intuba u qaadeen dagaal ay rabaan in ay ku mideeyaan dadkooda, haddii Daarood laga saaro Jamhuuriyada Demoqraadiga ee Soomaali xungurufta Somaaliya iyo wadamada dariska u dhaxeeya wuu dhamaanayaa.
Sidaa darteed waxaan soo jeedinaynaa anagoo danta gobolka eegayna in jabhadayada la´ogolaado iyo in la helo jabhad qabiilka Hawiye si looga saaro qabiilka Daarood Soomaaliya, loona helo nabadgalyo waarta, waxaana taa fure u ah inaad xirtaan jabhada Kulmis oo idunku soo jeedsan doonta.
Mingista wuu la dhacay fikradii wuxuuna aasaasay jabhadii SNM iyo ka dib jabhadii USC.
Waxaa kale oo fikradaa la dhacay Maraykanka iyo Ruushka sidda aan ka dhadhan saday waraysi uu Bardacad siiyey wargayska Sharqi Alaawsadh sannadkii 1991 kii mar Sayid Khaliife oo ka socday wargayskaa waydiiyey su´aasha ah : Maxaad ula jirtaa Siyaad oo labaatan sano ka badan ku xiray?
Waxuu ku jawaabay BARDACAD
Waxaa ii yeeray safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Oakley oo igu yiri dhibaatada Soomaaliya ka jirta waa qabiilka Daaroodka oo saddex wadan kala dagan, waxaana xalka u aragnaa in ay fiican tahay si xali waara geeska afrika loogu helo in aan qabiilka Daarood ka saarno Soomaaliya oo aan isugu gayno intooda shacabka ah Kinya iyo Itoobiya, intooda siyaasiga ahna aan u qaadno Maraykanka iyo Yurub, markaas baan waxaan ku iri waa siduu Bardacad hadalka u yiriye oo Soomaaliya barkeed in aad dishaan baad rabtaan
Wuxuuna iigu jawaabay Oakley anagu sidaas baan xalka u aragnaa ee ma rabno in aan wax dilno.
Sidda Bardacad waraysigiisa uu ku sheegay wuxuu u tagay Safiirka Ruushka oo uu ka dalbaday in uu Maraykanka hor istaago, Ruushkuna wuu diiday oo wuxuu ku yiri safiirka Ruushku Bardacad, siyaasadayada dibada ee Ruushka xaga Soomaaliya waa tan Maraykan.
Wixii intaa dheer waraysta Bardacad.
Waraysigaasi wuxuu i xusuusiyey warqadii aan akhriyey wixii intaa ka danbaysay waxaa i hayey cabsi ah war armuu qorshuhu suurto galaa Mingiste wuxuu baa bi´iyay jabhadii Kulmis (SSDF), waxaana isugu yimid shir saddex geesood ah SNM iyo USC iyo Mingiste oo looga tashanayey sidii Daarood Jamhuuriyadda Dimoqraadi ee Soomaaliya looga saari lahaa, waxaana la soo kala jeediyey labo talo, oo sidda aan mar danbe nin weyn oo siyaasi ah oo SNM ah ka maqlay ah sidatan.
Tan 1 aad : Intaan Ogaadeen (Cumar jees) kaxaysano si aan loo garan qorshaha aan marka hore Xamar qabano Daaroodna ka saaro ka dibna aan labo furinti(aag Dagaal) samayno.oo kala ah:
1- USC iyo SNM ha weerareen dhulka hadda loo yaqaan Puntland oo ha qabteen ilaa Bosaaso.
2- USC iyo SPM ha qabteen ilaa xadka Kiiniya markaa ka dib aan SPM cayrino. Markaynu sidaa.Darood ku jabino ayaynu dalka laba dawladood ka dhigi doonaa, Taladaas waxaa soo jeediyey USC.
Tan-2aad: Markii Xamar la qabto USC si gaara ha u ugaarato qabaa´ilka aan Isaaqa ahayn Waqooyi daga sida Dhulbahantaha, Warsangali iyo Gadabuursiga isla markaana SNM ha soo dhaweyso qabaa´ilkaa si ay u ogolaadaan kala go’a, ka dibna USC ha aqoonsato Waqooyi, sidaa labo dowladood oo xadkoodu yahay 15km Boosaaso, 30 km Qardho iyo 8km Garoowe aan noqono markaa way noo dhib yaraanaysaa saarida Daaroodka.
Labadii talo waxaa la qaatay markii hore tan kobaad tan-1 waxayna keentay in awooda Daarood ku lahaa Koonfur Somaaliya gaar ahaa Kismaayo iyo Gado la jabiyo, kumanyaal kun oo dad ahna waxaa laga dhigay wax la dilay iyo wax la qixiyey.
In kastoo lagu guulaystay in Daarood badan la barakiciyo, hadana qorshuhu sidii la rabay uma dhicin oo waxaa dhismay Puntland oo keentay in uuna Daaroodku siyaasiyan dhiman .
Taladii USC oo ahayd tan-1aad waxaay keentay ilaa hadda wixii dhacay waxaana loo baahday qorshe kale oo dhamaystir ah waxaana la qaatay kii SNM oo ah tan-2aad.
Qorshihii labaad waa kan hadda socda oo uu C/qaasim hormuudka ka yahay oo ah fikradii ay SNM soo jeedisay oo ahayd in Soomaliya labo loo qaybiyo (tan-2aad).
C/Qaasim iyo rag Cayr u badan baa waxay furteen dhowr sano ka hor urur uu markaa si Daaroodka gaar ahaan kuwii Siyaad Barre u shaqayn jiray loo soo xero galiyo uu C/qaasim waraysi BBC-da ku yiri, waxaan rabnaa in dadkii xukunka aqoonta u lahaa la soo celino ´´ eraygaa oo siyaasiyiin badan oo Daarood ah u qaateen in loo baahday oo Soomaali nimadu C/qaasim ka run tahay , wuxuu ahaa xero galin kaliya.
Isla markaa Cabdiqaasim wuxuu heshiisiiyey Jabuuti iyo Soomaaliland oo ay xunguruf ka dhaxaysay oo uu markaa kala hadlay soo noolayta Qorshihii SNM ka iyo in uu ogol yahay in Soomaaliya la qaybiyo, haddii uu Madaxwayne noqdo sidaas buuna ina Cigaal kharashkii doorashada C/Qaasim wax uga bixiyey, sidda uu ina Cigaal waraysi uu siiyey BBC da ku qirtay isagoo yiri ´´aniga iyo Cabdiqaasim waan is ku fiicnaan jirnay, gaban baana nakala gaadhay ka kor qabanqaabadii shirkii Jabuuti ballana wuu noo dhexeeyey.´´
Madaxweynaha Jabuuti oo balan ka dhaxeeyey ina Cigaal in labada wadan Jabuuti iyo Somaliland la isku dari doono markii la´aqoonsado Somaliland ka dib, wuxuu qaban qaabiyey shirkan Carte oo ina Cigaal xeelad darteed si aan Daroodku u didin diiday ka soo qaybgal kiisaa.
Shirka Jabuuti markuu bilaammay waxaa la martiqaaday isagoo laga fa´iidaysanayo khibrada C/qaasim intii Daaroodka laalush qaateyaasha ahaa waxtigii Siyaad Baree iyo kuwo kur sidoona.
Waxayna bilaabeen warbaahinta Carte sidda BBCda in ay abbaaraan oo ay weerar ku qaadaan meeshii hartay oo uu Daarood ka dhimankaro oo ah Puntland sidii ay u kala diri lahaayeen.
Arintii sidii la rabay bay u dhacday oo Cabdiqaasim Madaxwaynaa loo doortay wuxuuna doortay Cali Khaliif Galayr in uu noqdo Raíisul wassaare wuxuuna soo dhaweeyey Hartiga wuxuuna fogeeyey Issaaqii, taas oo ina Cigaal shaki ah in looga baxay heshiiskii galisay, laakin markiiba waxaa ina Cigaal loo sheegay in la rabo in Puntland la burburiyo oo kaliya ee aanay ahayn jaceyl uu C/qaasim u qabo Hartiga.
Taasi waxay ina Cigaal ku dhiirigalisay inuu bilaabo in uu sameeyo doorasha dastuurka si uu u qanciyo aduunku iyo isagoo sugaya balankii uu la galay C/qaasim.
Cali khalif iyo Sakariye waxaa lagu yiri eedeeya Itoobiya , si Itoobiya iyo Daroodka oo isku fiican la isugu diro , wayna eedeeyeen oo aduunka oo dhan waxay u sheegeen in Itoobiya soo gashay Soomaaliya, calanka Itoobiyana waxaa lagu gubay Boosaaso, si Itoobiya loogu yiraahdo bal waxaad taageeraysaan fiiriya.
Markaas buu C/qaasim wuxuu diray wafdi uu Ra´iisul Wassaare ku xigeenkiisa Cusmaan Kaluun wato Waftigii waxuu tagay Itoobiya wuxuuna ku yiri dawlada Itoobiya waxaan eryeynaa Cali khaliif oo idin neceb iyo dowladiisa, waxanuna ogolnahay in heshiiska Soomaaliya labo qeybood laga dhigo oo kala ah: Kan Koonfur oo C/qaasim madaxweyne u yahay iyo kan Waqooyi oo ina Cigaal Madaxwayne u yahay, ka dibna waan wadda hadlaynaa siddii labo wadan, taas oo macneheedu yahay kala go’ baan ogol nahay .
Ku xigeenka Wasiirka Arimaha Dibada ee Itoobiya Wafti uu wato baa arintaa darteed u tagay Garoowe oo aan u malaynayo in ay Cabdulaahi Yusuf isla soo qaadeen, iskuna afgaran waayeen sida uu u sheegay nin Puntland u hadlay BBCda mar la waydiiyey maxad isku xilaafteen Itoobiya uu yiri, wadankasta wuxuu lee yahay dantiisa.
Itoobiya maamulka cusub waxuu og yahay in sidda C/qaasim iyo ina Cigaal rabaan in Soomaaliya labo loo qaybiyo Daarood oo dhanna Itoobiya loo soo qaxiyo in aanay Itoobiya dan ugu jirin dhibka ka dhalanaya dartis iyo dagaalada xornimo doonka ah ee sii soconayaan darteed, sidaas darteed Itoobiya fikradaas wax dan ah uma aragto, waxaxyna sii waday sidii ay xalka u arkaysay.oo ahayd in Soomaaliya dowlad ay u dhan tahay laga dhiso
Arintii waftiga C/qaasim u diray Itoobiya oo balan qaaday in uu eryayo Cali Khaliif Soomaaliyana labo u kala qaybinayo, isagoon latashan Cali Khaliif iyo isbadal la’aanta mowqifka dowlada Itoobiya waxay dhexdhigtay kooxdii Carte dhib iyo is aamin daro gaar ahaan markay Mudduloodku arkeen in C/Qaasin heshiisyadii in awooda la qaybsado ahayd ka baxay.
Dhinac Puntland waxaa lagu gulaystay iyadoo la´adeegsanayo laaluush ay qaateen Isimada Puntland qaarkood iyo siyaasiyiin in la kala diro Puntland, waxaanad arkaysaa in qaramada midoobay markiiba iska daayeen in ay Puntland wax ka waydiiyaan dib u heshiisiinta Soomaaliya..
Isimada Garoowe ku shirayana waxaa loo xilsaaray in ay Puntland qabaa’il u qaybiyaan si loo qaybsado puntland.
Arintu hadda waxay ku socotaa in labo dowladood oo xadkoodu yahay 15km Boosaaso, 30km Qardho iyo 8km Galkacyo samaysmaan taas oo keeni doonta in qorshuhu sidii la rabay u dhaco Puntlandina sidaa lagu qaybsado Daaroodna dalka looga saaro.
Waxaa la dabaacay maqaalkaan Maxamud Sheikh Xasan Daahir, 17 September 2001.
Waxaa qoray Maxamuud Sheikh Xasan Daahir.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.