Qorshihii dajinta Yuhuuda Ee Bariga Afrika

Sanadkii 1903, ninkii loogu magac daray aabihii Zahyuuniyadda, Theodor Herzl, ayaa u soo jeediyay gumaystihii Ingiriiska ee Bariga Africa inay dhul siiyaan dadka Yuhuudda ah.

Barnaamijka loogu magacdaray “Uganda scheme,” ayuu soo jeediyay kaas oo lagu codsanayay in dadka Yuhuudda dhul laga siiyo waddanka haatan loo yaqaano Kenya, inkasta oo magaca barnaamijkaas uu ahaa Uganda waxaa loola jeeday kenya sida ay qoreen taariikhyahanadu.

Dhanka kale Israel iyo Uganda waxaa dhexmaray xiriir balaaran oo dhinacyo kala duwan ah kaas o soo bilowday 1950 meeyadii inkasta oo Uganda ay xornimadeeda heshay sanadkiii 1962 sii.

Israa’iil waxay ka caawisay Uganda arimo ka mid yihiin wax beerashada iyo dhanka milatariga, sidoo kale shirkado laga leeyahay Israa’iil ayaa ka shaqo bilaabay gudaha Uganda, halka ardey Ugandes ah ay wax ka baran jireen gudaha israa’iil. Dhanka kale gudaha Uganda waxaa ku sugnaa dad badan oo Yuhuud ah.

Balse waxay wax walba is badaleen markii talada qabsaday madaxweynihii hore ee dalkaas Idid Amin sanadkii 1972 sii ayaa wax walba is badaleen. Wuxuu dalka ka musaafuriyay guud ahaan Israa;iiliyiintii joogtay.

Idi ayaa la sheegaa inuu Israa’iil taageero milatari balsa markii ay ka dhaga adeygeen uu ujeestay dhinaca Libya.

Wuxuu markaas kadib ka eryay dalkiisa 500 oo Israa’iiliyiin ah, wuxuuna jaray xiriirkii diblomaasiyadeed ee uu la lahaa Israa’iil 1972.

Hadalo lagu tilmaamay naceyb ah oo ka dhan ah Israel ayuu marar kala duwan jeediyay isagoo sidoo kale muujiyay sida uu ula dhacsan yahay waxa loogu magacdaray “Xalka ugu dambeeya” ee uu Hitler ku dilay in ka badan 6 milyan oo dadka Yahuuda ah.

Taliskii Amin waxa uu sidoo kale bartilmaameedsaday Yuhuuda ku nool Uganda, isaga oo xiray macbadyo, waxa kale oo uu u geystay garaacis iyo xarig.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading