Qulqulada Ka Dhex Aloosan Gacanka Carbeed (GCC) Iyo Saamaynta Soomaaliya
Maxay Salka Ku Haysaa Quluqulada Dawladaha GCC
Wadamada Ku bahoobay Iskaashiga Gacanka Carbeed (Gulf Cooperation Council- GCC) waxay kala yihiin Sacuudiga, Imaaraadka, Kuwayt, Qadar, Cumaan, iyo Baxrayn. Waxay markii uugu horeysey hashiiskaan wada galeen dhamaadkii 1981. Isbahysigoodu wuxuu ku salaysan yahay inay mideeyaan cududooda dhaqaale, siyaasadeed, iyo tan ciidaanba. Horumar weyn ayey ka gaareen 36kii sano ee ka danbaysay markii la aasaasay iskaashigaas. Awooda dhaqaale oo ay rabeen inay adduun-weynaha kula tartamaan waxaa u dheeraa inay yeeshaan mid siyaasadeed iyo mid ciidan oo ay rabaan inay iskaga gaashaan-buurtaan wadanka Iiraan oo ay jaarka yihiin oo ay colaad soo jireen ka dhaxeyso.
Dabcan waa caadi in shaki iyo mugdi soo kala dhexgalo marka la isugu yimaado isbahaysi baaxadaas oo kale leh, oo wadanba wadanka kale ku tuhmo sadbursi. Balse khilaafka weyn ee maanta ka dhexjira dawladaha GCCda waa mid nooc kale ah. Waxaa la yiraahdaa wuxuu soo ifbaxay oo aad usoo xoogaystay sanadkii 2011 oo isagu ku caanbaxay kacdoonkii loo yaqaanay Kacdoonka Carabta ama Arab Spring.
Wadamada ay ka mid yihiin Sacuudiga, Imaaraadka, iyo Baxrayn ayaa ku eedeeyey wadanka Qadar inay caawintu dhaqdhaqaayo badan oo ay ka mid yihiin Ikhwaanu Muslimiin oo mar gacanta ku dhigay xukunka dalka Masar, ururka Xamaas, iyo ururo kale oo ka hawl gala wadamada Carbeed ee bariga dhexe iyo kuwa kale ee wuqooyiga Afrika.
Waxay kaloo Qadar ku eedeeyeen inay xiriir dhow la leedahay wadanka Iiraan. Waxaana laga yaaba tani inay uugu weyn tahay khilaafka jira. In yar haddi an isku dayo inaan iftiinsho arrintaan, maanta waxaad arkaysaa wadamadii Carbta oo iska ilaaway qadiyadii Falistiin iyagoo miciin bidaya dalka Israaiil oo ay doonayaan inay la samaystaan iskaashi ka dhan ah Iiraan.
Dadbadan oo Shiica ah ayaa ku hoos nool wadamada Carbeed, khaasatan kuwa Gacanka Carbeed. Dalka Baxrayn waxaa la yiraahdaa shacbigu 70% waa shiica, balse xukunka waxaa haysta boqrtooyo Sunni ah. Goblka bari ee wadanka Sacuudiga waa meesha laga soo saaro saliida uugu badan. Waxaa gobolkaas ku nool Shiica badan. Wadamada kale ee Khaliijka sidaas oo kale waxaa ku nool shacbi badan oo Shiica ah.
Waxaan soo aragnay in xukunkii Ciraaq uu ka baxay gacanta Sunniga. Waxaan aragnaa in Siiriya oo 75% Sunni ah uu xukunku weli gacanta uugu jiro Calawiyiinta (Shiica) oo ah 10% shacbiga Siiriya. Hadaba wadamadan Gacanka Carbeed waxay qabaan haddii Iiraan sii xoogaysato oo ay beri ka maalin noqoto mid haysata quwada nukliyarka (nuclear bomb) ay dhici karto inay faragalin weyn ku sameyso xukunka wadamadooda.
Isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraadku waxay kalo Qadar ku colaadinayaan idaacadda Al-Jezira oo ah iyadu mid af-dheer oo laga yaabo inay marar badan ka hadasho warar xasaasi ku ah wadamada Khaliijka.
Saamaynta Soomaaliya Qulqulada Dhextaal Wadamada GCC
Tan iyo bishii Juun ee sanadkii 2017 oo ah markii ay cilaaqaadka u jareen Qadar dawladaha kala ah Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn, iyo Masar waxaa dhacday inay saamayn weyn ku yeelatay wadankeena Soomaaliya. Isbahaysiga Sacuudiga markii ay weydiisteen Soomaaliya inay sidooda oo kale xiriirka u jarto Qadar, dawladda Soomaaliya waxay uugu jawaabtay anagu dhanna la safanmeyno, oo dhex dhexaad ayaan arintaan ka noqonaynaa, haddii loo baahdana waan idin dhexdhexaadinaynaa. Filan waa ayey ku noqotay Sucuudiga iyo xulufadiisii. Waayo bilowgii sanadkii 2016 sidaas oo kale ayaa Sacuudigu ka dalbaday dawladdii Soomaaliya OO uu mudane Xasan Sheikh hogaaminayey inay Iiraan cilaaqaadka u jaraan oo ay dawladda Soomaaliya isla markiiba Iiraan xiriirka u jartay.
Arrintaan waxaa ku kala qaybsamay dawladdii dhexe ee Soomaaliya iyo kuwii dawlad goboleedyada. Waxaa ku kala qeybsamay shacbigii Soomaaliyeed meel kaste ha joogee, iyadoo doodu ay salka ku hayso keeba danteenu ku jirtaa labadaan garab.
Haddii doodu tahay labadan garab ee kala ah Sacuudiga, Imaaraadka, Masaarida oo garab ah iyo kan kale oo ah Qadar keebaa Soomaaliya wax taray, shalay iyo maantaba, wax la is barbardhigi karo ma aha. Oo kuwa hore ayaan xiriir soo jireen ahna lala hayn, dhaqaalaheenuna ku xiran yahay ilaa iyo maanta.
Hadaba haddii ay saas tahay, Somaaliya ma ku khasban tahay, sax iyo khaladba, inay raacdo meeshii xulufada Sacuudigu u jiheeyaan? Waa su’aal u baahan in qofkaste oo Soomali ah is weydiiyo.
Wadamada ku bahoobay Isutagga Gacanka Carabta (GCC) waxay iska soo dhawaysteen wadamada kale ee Carabta ah ( ama sheegatada ah sida Soomaaliya) oo ay ku wada jiraan Uruuka Carabta oo ka kooban 22 dal. Waxay kaloo iska soo dhaweysteen wadamada ay ku wada jiraan Uruurka Islaamka oo ka kooban 57 dal.
Markaad fiiriso xiisada ka taagan dawladaha ku bahoobay GCCda, sadix (3) ayaa dhinac isku raacay (Sauudiga, Imaaraadka, iyo Baxrayn) oo iyagu xiriirka u jaray Qadar; Kuwayt iyo Cumaan dhexdhexaad ayey ka noqdeen arintaan oo dhanna ma raacin. Markaad fiiriso dawladaha ku bahoobay Uruurka Carabta (22 dal), Masar iyo Liibiya? ayaa kusoo biiray isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka oo iyaguna Qadar xiriirka u jaray. Wadamada ku wada jira Ururka Islaamka oo ah 57 dal, wadanka Maldives oo ku yaal qaarada Aasia ayaa isna xiriirka u jaray Qadar.
Markaad shaxdaan fiiriso waxaa kuu soo baxaya in waxa la isku haystaa aynan ahayn qadiyad Islaam amaba mid Carbeed balse ay salka ku hayso khilaaf iyo madmadow soo kala dhexgalay wadamada ku bahoobay GCCda.
Miskiinba Miska la Fuulo Leh
Waxaa kaloo iyudana u baahan in la cadeeyo in haddii aadan raacin xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka oo aadan Qadar xiriirka u jarin, aynaan macnaheedu ahayn waxaad raacday dhanka Qadar. Waxaa lagugu tirin karaa inaad raacday garabka Qadar markaad Qadar garab istaagto oo ad xiriirka u jarto Sacuudiga iyo xulufadiisa. Dawladaha carbeed 70%, oo Somaaliya ay ka mid tahay, ayaa arintaan ka qaatay go’aan dhexdhexaad ah oo an cidna xiriir u jarin. Dawladaha Islaamka ah 90%, oo ay Soomaaliya ka mid tahay, ayaa arintaan ka qaatay go’aan dhexdhexaad ah oo an cidna xiriir u jarin. Marka iima muuqato waxay xulufada Sucuudiga iyo Imaaradku ku colaadiyaan Soomaaliya, hadayna sheekadu ahayn miskiinbaa miska la fuulo leh.
Af Wax Cunay Xishooh
Dhaliisha la dhaliilayo mawqifka dhexdhexaadka ah ee ay qadatay dawladda uu mudane Farmaajo madaxweyne ka yahay wuxuu salka ku hayaa tuhunka weyn ee jira oo oranaya wuxuu booska ku yimid dhaqaale ka yimid Qadar. Oo waxaa imanaysa in la isweydiiyo haddii lagu soo dooran lahaa dhaqaale ka yamid garabaka Sacuudiga, ma dhici lahayd inuu dalabkooda yeelo. Al yacni af wax cunay xishooh? Allaahu yaclam. Marka mawqifka dawladda Soomaaliya ka qaadatay arrintaan waa kan saxda ah sidaan qabo, balse waxaa mugdi galinaya oo wax weyn kala tagaya faragalinta Qadar ay soo faragalisay doorashadii madaxweynahaan, iyo kii ka horeeyeyba.
Rabbow Tubta Toosan. Aamiin.
Abdihakim H. Hersi
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.