Rabi ha’unaxariisto Wasiir Khadiijo Diiriye oo Geeriyootay

Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa goordhow ku geeriyootay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, sida uu baahiyey telefishinka ku hadla codka dawladda Soomaaliya.

Sida uu sheegay Telefishinka, Wasiirka oo ka mid ahayd Waftiga Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ee ku sugan dalka Jabuuti, ayaa maalmihii la soo dhaafay xanuunsaneyd.

Khadiija Maxamed Diiriye,ayaa ku jirtay dowladda federaalka ku dhowaad 20 sano, oo ay aheyd xildhibaan, ayada oo dhowr marna soo qabatay xilal wasiir oo kala duwan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay geerida Khadiija ayaa yiri “Geerida ku timid Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye waa mid qalbigeenna taabatay oo aad u xanuun badan, si weynna ay u darremayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.”

“Alle ha u naxariisto Marxuum Khadiijo waxay door weyn ka soo qaadatay dib u dhiska Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya, iyadoo ka mid noqotay Baarlamaankii ugu horreyey burburka kaddib, tan iyo wakhtigaasna ka soo tirsanayd Golaha Shacabka,” ayuu yiri madaxweynaha.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading