Raiisel wasaarihii hore Ee Ingiriiska Boris Johnson oo la siiyey Shaqo Saxafinimo.

Raiisel wasaarihii hore ee Ingiriiska Boris Johnson,ayaa la siiyey shaqo saxafinimo.

Waxa shaqaaleysiiyay talefishin lagu magacaabo GB News.

Johnson wuxuu telefishankan u noqon doonaa soo-jeediye, soo saare iyo falanqeeye.

Boris Johnson, oo wax ku qori jiray wargeyska Daily Mail, ayaa shaqadiisa bilaabi doona sanadka cusub ee Yurub.

Boris Johnson,ayaa muuqaal soo dhigay boggiisa X isagoo leh: “Waan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo inaan ku biirayo GB News.”

“Waxaan soo bandhigi doonaa aragtidayda dhabta ah ee ku saabsan Ruushka, Shiinaha, Ukraine iyo arrimo kale,” ayuu yidhi.

Wuxuu ku daray: “Waxaan ka hadli doonaa awooda England ee adduunka iyo caqabadaha naga haysta.”

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading