Video:-Ra’iisul Wasaare May oo shaacisay xilliga ay iscasilayso.

Theresa May ayaa sheegtay in ay ka dagayso xilka hoggaanka xisbiga Conservative-ka 7-da bisha June, taas oo u gogol xaaraysa tartan loo galo cidda noqonaysa Ra’isulwasaaraha Britain ee cusub.

Hadal jeedin qiiro leh oo ka samaysay xafiiskeeda Downing Street hortiisa ayay ku sheegtay in ay isku dayday wax kasta oo karaankeeda ah oo ay humanti uga dhigi lahayd in la fuliyo go’aankii ka bixitaanka Midoowga Yurub ee lagu gaaray aftidii dadweynaha ee la qaaday kal hore.

Waxa ay sheegtay in ay Ra’isulwasaare sii ahaan doonto illaa xisbigeeda uu ka qabsanayo doorasho madaxtinimo.

Ra’isulwasaaraha ayaa la kulantay cadaadis iyo dhaleeceyn kala kulantay qorshaheedii ugu dambeeyay ee ku saabsan barnaamijka Brixit oo ah mid muran badan dhaliyay. Dadka welwelka ka qabay qorshahan waxaa ka mid ahaa xoghayaha arrimaha gudaha Sajid Javid iyo kan arrimaha dibedda Jeremy Hunt.

May ayaa tiri “Waxaa kaliya go’aan wadar ogol ah la gaari karaa marka dhinacyada oo dhan ay tanaasulaad sameeyaan”.

Waxa ay sheegtay in wax niyad xumaan ah aysan xilka uga degin, iyada oo sharaf iyo karaamo ku sheegatay in ay qabato xilka ugu sareeya dalkaaas.

“Waxaan ahaa Ra’isulwasaarihii labaad oo dumar ah, balse ma noqon doono tii ugu dambeysay” ayay tiri May oo hadalkeeda ay ka muuqatay qiiro iyo himbiriirsi.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading