Ra’iisul Wasaare Rooble “Doorashada Kismaayo iyo Garbaharrey waxaa ka mas’uul ah Jubbaland” (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan socdaalkiisa Jubbaland iyo kulamadii uu kula qaatay Kismaayo Madaxda, Waxgaradka iyo Bulshada Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in Dowlad Goboleedka Jubbaland uu mas’uul ka yahay doorashada ka dhaceyso Kismaayo iyo Garbahaarey, isagana uu ku kormeerayo kulana xisaabtamayo hirgelinta arrimaha doorashada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay inuu safaro ku tagayo dhammaan deegaanada ay ka dhaceyso doorashooyinka, sida, Boosaaso, Garoowe, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Baraawe, Baydhabo, Jowhar iyo Beledweyne.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading