Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda DG oo ku balamay Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xalay waxa uu shir guddoomiyay kulan ku qabsoomay habka fogaan aragga kaas oo ay ka qeyb galeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa isku raacay in ay kulan Muqdisho isugu yimaadaan Khamiista soo socota oo ku beegan 19ka bishan Ogoosto, kaas oo diiradda lagu saari doono u diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka , raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroon iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorriyay Dowlad Goboleeyada in ay dardar galiyaan hirgalinta doorashooyinka Aqalka Sare si looga baaqsado dib u dhac loona gaaro jadawalka doorashooyinka.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading