Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku wajahan magaaladda Jowhar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaaladda Jowhar ee Caasimadda Hirshabelle.

Ujeedada socdaalka Ra’iisul Wasaare Roble ee Jowhar, ayaa lagu sheegay inuu u kuurgalayo xaalada ka dhalatay fatahaadaha Webiga Shabelle ee magaaladaas iyo xalinta khilaafka ka dhashay doorashadii Madaxweyne Ali Gudlawe Hussein.

Madaxweynaha Hirshabelle Ali Gudlawe Hussein ayaa shalay dib ugu laabtay magaaladda Jowhar, si uu u qaban-qaabiyo soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Roble. Ammaanka magaalada Jowhar ayaana si weyn loo adkeeyay saaka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading