Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Safiirka Qaramada Midoobay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble ayaa kulan la qaatay Safiirka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan. Kulanka ayaa looga hadlay Doorashooyinka dalka iyo dhameystirka guddiyada doorashooyinka.

Sidoo kale, Labada Masuul ayaa ka wadahadlay Amniga, Caddaalada, cudurka COVID-19 iyo taageeridda dadka ku waxyeeloobay daadadka deegaanada Hirshabelle.

Ra’isul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa sheegay inay ka go’an tahay in waqtiga aan dib u dhac ku iman balse ay ku xeeran yihiin duruufo u baahan in dhamaan ay gacan ka geystaan dardargalintooda Beesha Caalamka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading