Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar howleed ku tagay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), Wasiirka Amniga XFS iyo mas’uuliyiin kale, ayaa booqashadan ugu kuurgalaya xaaladaha amni nololeed ee degmada Balcad iyo deegaannada ku teedsan iyo halka ay marayaan mashaariicda horumarineed ee halkaas ka socda sida dhismaha waddada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.
Idilnews
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.