Ra’iisul Wasaare Rooble oo wada-hadalo la bilaabay xubno kamid ah Midowga Musharixiinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa bilaabay in uu kulamo la qaato qaar kamid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta, kuwaas oo aad u dhaliilsan siyaasadda Villa Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo kamid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta, iyaga oo ka wada hadlay Arrimaha doorashooyinka iyo xaalada siyaasadeed ee dalka.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bartiisa Facebook ku shaaciyay in Ra’iisul Wasaaraha ay iska wareysteen arrimaha doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladdaha siyaasadeed ee dalka.

Kulankaan xalay dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf Cusub oo salka ku haayo awoodahabdalka uu soo kala dhexgalay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading