Ra’iisul Wasaare Rooble “Waxaan soo afjaraynaa khilaafka u dhaxeeya Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi” (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay soo afjareeyso khilaafka u dhaxeeya Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi, kaas oo la xiriira Arrimaha doorashooyinka.

Rooble waxaa uu sheegay in xalinta khilaafka siyaasiyiinta, isaga loo xilsaaray, isla markaana wadatashiyo la xiriira sidii loo soo afjari lahaa ay uu la leeyahay guddoomiye Cabdi Xaashi & Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi guuleed.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in haatan qorshaha xalinta Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ay meel wanaagsan u marayaan.

https://youtu.be/cSNxKjWlNkk

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading