Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Furay Shirka 7-aad ee Madasha Dhaqaalaha Qaranka

Muqdisho, Isniin, 14 Oktoobar 2024: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka. Shirka oo socon doona labo maalmood ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadaha lagu taageerayo kobaca dhaqaale ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro shaqo iyo maalgashi waara. Wuxuu sidoo kale sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha, loona abuuro dhallinyarada fursado shaqo, si loo yareeyo saboolnimada.

Shirkan wuxuu fursad siinayaa hoggaamiyeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsatada, si ay uga wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah, iyadoo lagu dardargelinayo maalgashi iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

DHAMMAAD

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading