Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa saacadihii lasoo dood ka dhaliyay Baraha Bulshada, kaddib markii uu ka guuray hal-kudhigga Nabad iyo Nolol una guurey hal-kudhig cusub oo hadal heyn badan dhaliyay.
Ra’isulwasaare Kheyre ayaa markii hore Barahiisa bulshada u isticmaali jiray hal ku-dhigga ay caanka ku tahay Dowladda Madaxweyne Farmaajo ee Nabad iyo Nolol, balse waxaa lagu badalay laba hal kudhig oo cusub, kuwaas oo kala ah: “Hiigsi iyo Horumar” iyo “Ammaano iyo Adeeg”.
Ra’isulwasaare Kheyre ayaa hal ku dhegyada cusub u adeegsaday gunnaanadka qoraal ku saabsanaa kulan dhexmaray isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Bangiga adduunka Dr. Xaafid Gaanim oo lasoo dhigay bartiisa Twitterka.

Talaabadan uu ku dhaqaaqay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu micneeyey inay qeyb ka tahay ololihiisa ku aadan Doorashada dalka ka dhici doonto 2021-ka oo la filayo inuu noqdo Musharax ka madax banaan Dowladda talada heyso.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.