Ra’iisulwasaare Kheyre oo ku wajahan Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre & Wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay maanta tagaan Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

U jeedka safarka Ra’iisulwasaare Kheyre uu Dhuusamareeb u tagayo ayaa lagu sheegay inay tahay furitaan Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug iyo dhameystirka heshiiskii Dowladda Federaalka & Ahlusunna.

Ammaanka Magalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay, waxaana halkaasi ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo isugu jira Millateri iyo Boolis iyo Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo dhawaan la geeyay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading