Ra’iisulwasaare Kheyre oo saacadaha soo socda tagaya Caabudwaaq

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta lagu wadaa inuu safar ku tago degmada Caabudqwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Wafti horu-dhac u ah Ra’iisulwasaaraha oo ay ka mid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa shalay gelinkii dambe gaaray Caabudwaaq.

Sidoo kale Xildhibaano, iyo xubno kale oo ka mid ah Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa tegay degmada Cabudwaaq, iyaga oo sii diyaarinaya sidii Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya loogu soo dhaweyn lahaa degmada Cabudwaaq.

Degmada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud ayaa laga dareemayaa u diyaar garowga soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha, waxaana meelaha qaar lagu dhejiyay sawirka Ra’iisul Wasaaraha, iyadoona si weyn loo adkeeyay ammaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu tago degmada Cabudwaaq kulamo la qaadan doona Mas’uuliyiinta degmadaas iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Odayaasha degmada Caabudwaaq si uu wadatashiyo ula yeesho.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading