Ra’iisulwasaare Kheyre oo Shir guddoomiyay shirka qaab dhismeedka Amniga doorashooyinka (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay shirka tubta amniga iyo cadaaladda oo lagu qabtay xarunta wasaaradda amniga gudaha, loogana hadlay dhammaystirka hab-raaca cusub ee maamulka iyo maaliyadda ciidanka, qaab dhismeedka ciidanka sugaya amniga doorashooyinka, halka ay marayso diiwaan gelinta ciidanka, qorshaha ciidanka hawl-gabka ah, naafada iyo agoonta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shirka ka sheegay in hadafka guud ee tubta amniga iyo cadaaladda uu yahay in dalka laga hir-geliyo hay’ado amni iyo caddaaladeed oo aad u hagaagsan, xasiloon oo leh siyaasado, sharciyo iyo hannaan maamullo saxan oo xaqiijin kara himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Halbeegyada wasaaradda difaaca dalku ay ku leedahay Tubta Amniga iyo Cadaalada ayaa waxaa qayb ka ah qiimaynta iyo sugidda amniga goobaha loo cayimo wacyi gelinta, diiwaan gelinta iyo xarumaha ay dadku codkooda ku dhiibayanaan.

Himilooyinka Tubta amniga iyo cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah dib-u-habaynta iyo horumarinta awoodda hay’adaha amniga qaranka, muumulidda xilliga kala guurka ee ciidanka qaranku la wareegayaan amniga dalka iyo isku xirnaan habaysan oo lagu dhaqan gelinayo dhammaan qorshayaasha.

Daawo.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading