Ra’iisulwasaare Kheyre oo u duulay Magaalada Washington

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wassaarha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay dalka Mareykanka.

Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdigiisa ayaa halkaas waxa ay kaga qeyb-galayaan shir looga hadlayo arrimo ay kamid yihiin deyn cafinta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa inta ay Mareykanka joogaan waxa ay kulamo la yeelanayaan hay’adaha maaliyadda ee caalamiga ah, saraakiil sare oo ka tirsan dawladda Mareykanka iyo qayba kale oo kamid ah bah-wadaagta Soomaaliya, si loo dardar-geliyo ajandaha qaran ee dub-u-habaynta hay’adaha dawladda.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading