Ra’iisulwasaare Kheyre oo xariga ka jaray Xabsiga ugu Casrisan Qaaradda Afrika (Sawirro)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xariga ka jaray Xabsiga ugu casrisan Qaaradda Afrika oo laga dhisay Magaalada Muqdisho, islamarkaana loogu tala galay in kor loogu qaado Hanaanka Caddaaladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare  Kheyre waxaa uu sheegay in xabsiggaan uu wax badan kusoo kordhin doono Shaqadda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Maxkamaddaha dalka.

Xabsiggaan ayaa laga dhisay  Xarunta taliska ciidanka Asluubta Ex Kontorool Afgooye, halkaas uu ka socday dhismaha dib u dayactirka Xaruunta tan iyo Sanadkii 2016-ka, xilliggaan oo uu dhagax dhigay Ra’iisul Wasaarihii xilligaasi Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Furitaanka Xabsiggaan ayaa lagu soo beegay dabaal-dega sanadguurada 49-aad ee ka soo wareegatay aas-aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyadoona munaasabad lagu weynayo maalintaasi qaban-qaabadeedu ka socoto magaalada Muqdisho.

Sawirro.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading