Ra’iisulwasaare Kheyre oo Xeer kasoo saaray gelida Heshiisyada (Akhriso)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa lagu soo bandhigay  Xeerka dhaqan gelinta habraaca Heshiisyada dowladda Federaalka la gasho dalal ,shirkado iyo hey’addo ajnabi ah,habracaas oo loo baahan yahay inay maraan cid walba oo ka tirsan dowladda xilliyada ay heshiis galeyso.

Xubnaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha dowladda ayaa ka reeban inay heshiis toos ah iyo mid dadban intaba la galaan,Dalal,Shirkado ama sidoo kale Hay’addo Ajnabi ah,iyada oo aan la raacin habraaca la soo saaray,sida  lagu sheegay farqada cad qodobkiisa labaad.

Sidoo kale War-Saxaafadeedka kasoo baxaya Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu cadeeyay heshiisyada lala gelayo Dalal,Shirkado ama sidoo kale Hay’addo Ajnabi ah la horgeeyo Golaha Wasiirada Soomaaliya,sidoo kalena lasoo marsiiyaa Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya waaxdeeda Sharciyada iyo heshiisyada Caalamiga ah.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading