Ra’isalwasaaraha Canada oo booqashadisii Hindiya kala kulmay Bahdil

Socdaalkii ugu horeeyey ee rasmi ah ayuu Ra’iisal wasaaaraha Canada Justin Trudeau ku marayaa dalka Hindiya, balse lama uusan kulmin soo dhaweyn diiran, taasoo aad uga duwan safarradii kale ee ku tagay dalal badan.

Inkastoo isaga iyo qoyskiisa ay heleen fursado ay ku booqdaan goobo taariikhi ah kuna galaan sawirro sida taalada Taj Mahal, haddana madaxda ugu sareysa ee Hindiya soo dhaweyn uma sameynin mas‘uulkan.

Markii uu yimid caasimadda dalka ee Delhi, waxaa ku qaabilay garoonka diyaaradaha wasiir darajadiisu hooseyso, taasoo loo fasirtay liidnimo.

Dhanka kale ra’isalwasaaraha Hindiya ayaa maqnaa markii uu Trudeau booqashada ku tagay gobolka Gujarat ee uu Modi kasoo jeedo.

Arrinta la yaabka sii leh waxay tahay in madaxda soo dhaweynta ka gaabsatay uusan ahayn Modi oo kali ah.

Markii uu Trudeau safarka ku tagey taalada Taj Mahal Axaddii, wararka qaar ee ay soo gudbinayaan warbaahinta ayaa sheegaya in madaxa maamulka Uttar Pradesh, oo ah halka ay ku taallo taalada, aanu tagin goobtaasi si uu u salaamo ra’iisal wasaaraha,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading