Ra’isalwasaaraha Canada oo eryay Safiirkisii Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau, ayaa waxa uu eryay safiirka dalkiisa u fadhiyay Shiinaha, John McCallum.

Arrintan ayaa timid kaddib hadal uu jeediyay Mr McCallum oo ku saabsanaa kiiskii dhoofinta ee ay ku lugta laheyd sarkaal sare oo ka tirsan shirkadda weyn ee Shiinaha ee isgaarsiinta ee Huawei.

Mr Trudeau ayaa bayaan uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu John McCallum xilka banneeyo hasayeeshee wax sabab ah muusan sheegin.

Xariga Meng Wanzhou, oo ku dhacay codsi ka yimid waddanka Mareykanka, ayaa waxa ay ka caraysiisay Shiinaha waxa ayna arrintaasna xumaysay xiriirkii Canada kala dhaxeeyay Beijing.

Ms Meng, oo ah madaxa maaliyadda ee Huawei, ayaa waxaa lagu eedeeyay inay hareer martay cunaqabateynta Mareykanka uu ku soo rogay waddanka Iiraan. Iyada iyo shirkadda Huawei-ba waa ay diideen eedahaasi.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading