Ra’isalwasaaraha UK oo si adag ugu digay kooxaha Midigta fog

Raiisel wasaaraha, UK, Keir Starmer, ayaa dhaleeceeyay khalkhalka ka dhashay dibadbaxyada isagoo sheegay inay ka danbeeyaan koox tuugo ah oo midigta fog ah, wuxuuna sheegay in kuwa ku lugta leh ay wajihi doonaan sharci adag..

Dowladiisa,ayaa kulan deg-deg ah yeelan doonta Maanta oo isniin ah kaas oo looga hadlayo xaaladda taaga.

Ra’iisul wasaaraha,ayaa wacad ku maray in uu sameyn doono wax kasta oo ay ku qaadaneyso in kooxahan sharciga la horkeeno,mar uu khudbad ujeedinayay Shacabka.

“Dadka ku nool dalkan waxay xaq u leeyihiin inay nabad qabaan, haddana waxaan aragnay bulshooyinka muslimiinta ah oo la bartilmaameedsaday iyo weerarrada masaajidda,”Ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Wuxuu intaa raaciyey… “Bulshooyinka kale ee laga tira badan yahay ee la takooray, salaanta Naasiga ee dariiqyada lala istagay, weerarida booliska, rabshadaha ay dhinac socdaan hadalada cunsiyada leh, markaa maya, kama fogaan doono inaan ugu yeero waxa ay tahay: tuuganimada midigta fog.”

Aqalka number 10 ee looga arrimyo UK, ayaa lagu wadaa inuu ka qabsoomo shirka Cobra, kaas oo ah mid si gaara looga hadlayo xaaladda ka taagan dalkaasi. Shirkaas waxaa isugu yimaada wasiirada dowladda ,booliska, nabag-sugida iyo Madax kale ee ku taxaluqda arrintan.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading