Ra’isalwasaare khayre Oo dalka dib Ugu soo laabtay

Xasan Cali Kheyrre Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu ka qeyb galay Shir looga hadlayo amaanka Soomaaliya iyo ka bixitaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

Sidoo kale Khayrre ayaa Istanbuul Turkiga ku soo xiray Shirka Ganacsiga ee u dhaxeeyay Ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Turkiga, waxaana la sheegay uu diyaarada Turkish Airline ka soo raacaday Dalkaasi.

Khayrre iyo Wafdigiisa ayaa Garoonka Diyaaraha ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaana la filayaa inuu ka hadlo natiijada Soomaaliya ee Shirkii ka dhacay Dalka Belgium-ka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading