Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golahiisa wasiiradda ee magaacaaban ayaa ugu horayn booqday fananada wayn ee Soomaaliyed Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka mid ah fananinta hoboladda qaranka waabari oo qaliin loogu sameeyay xameetidda taas oo ku jirta Isbitaalka Blue Star ee magalaadda Muqdisho.
Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa fanaanida Seynab Xaaji Cali Baxsan iyo Dhakhtarka qaliinka ku sameyey ka wareystay xaaladeeda Caafimaad, isagoo xusay in ujeeda uu ugu yimid ay tahay in uu la qaybsato xanuunka maadama ay tahay fanaanad qaran oo dalkaan horumarkiis a qayb wayn ku leh , waxaa uu u rajeeyey xaafimaad deg deg ah in alle siiyo.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, guddooomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaaji Cabdullahi , Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradda magacaban ayaa cisbitaalka Erdogan Ex. Digfeer ku booqaday bukaano ay ka mid yihiin sii hayaha xilka wasiirka dekadaha iyo gadiidka badda , Abwaan Maxamuud Cabduulahi Ciise Singub ,film qaade Cabdixamiid Karazay oo ka tirsan Tvga Universal iyo hooyadda xildhibaan Cabdifataax Geesay.
Booqashadda ra’iisul wasaraha Kheyre uu ugu tagay muwaaniinta Soomaaliyeed ayaa ah sidi u ula qaybsan lahaa xanuunka, iyo in uu u muujiyo in dowladdu garab tagan tahay dadkeeda xanuunsan iyo kuwo taagta daran.
Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo warbaahinta qaranka kula hadlay Isbitaalka Erdogan ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is taageeraan una duceyey inta xanuunsan in alle ka dulqaado xanuunka haya.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.