Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiirada Gaashaandhiga, Amniga Gudaha , Warfaafinta iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo manta booqasho shaqo ku tagey degmadda Dayniile ee gobolka Banadir ayaa ugu horeyn ka qayb galay qaybinta raashin gargaar ah oo ay Dowladda Imaaraadka u qaybinaysay dadka ku soo barakacay Dayniile kuwaa oo ay abaaruhu ka soo baraciyiin deegnadoodii .
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Sooomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Dowladda Imaraadka uga mahadceliyey gargaarka ay uga qayb qaadanayso gurmadka abaaraha, isagoo tilmaaamay in baahida iyo dhibaatada looga bixi karo inay isu gurmadaan Dadka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Federaalka Soomaaliya ayaa Degmada Dayniile ku shir guddoomiyey shirka Guddiga Amniga ee Xukumadda kaasi oo laga hadlayey dar-dar galinta Amaanka caasimadda iyo hirgelinta qorshaha lagu sugayo Nabadgelyada Magalada .
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Eng Cumar Cabdiraxmaan Yariisow ayaa tilmaamay in waxyaabaha shirka looga hadlay ay ugu muhiimsaneyd dar dargelinta howlaha la xiriira Nabad gelyada caasimadda.
Tabit Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa xusay in maamulka gobolka banaadir ay sharaf weyn u tahay in Degmada Deyniile ay marti galiso shirka Amniga, kaas oo lagu qaban jiray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.