Ra’isalwasaare khayre Oo Ubax dhigay taalada lagu xasuusto Ciidamada Imaaraadka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa shalay booqday Taalada loo dhisay in lagu xasuusto Shuhadada Ciidamada Imaaraadka ee loo yaqaano Waaxatu Karaama.
 
Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliyay Sheekh Khalifa Bin Dhahnuun bin Mahamed Alnahyan oo ah Agaasimaha arrimaha Qoysaska Shuhadada ee diiwaanka dhaxal sugaha Imaaraadka Caraabta,wuxuuna Ra’iisul wasaaraha halkaa salaan sharaf uu kaga qaatay ciidamada, kadibna waxa uu ubax xasuus ah dhigay Taalada Shuhadadaasi oo ah mid aad u balaaran kana kooban Alwaax Aluminihyom ah.
 
Taaladaasi uu R/wasaaraha Ubaxa xusuusta dhigay waxay kaloo ka tarjumaysaa midnimada hogaanka dalkaasi kan shacabka iyo Ciidamada dalkaasi isutagga Imaaraadka Carabta.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading