Ra’isalwasaare Xamse miyaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Maraykanka?

Kulanka Xamse iyo Biden,waa mid quseeya salaan mana ahayn Shir doceed Labada Dowladood dhexmaray.

Intaas marka laga yimaado waxuu booqan doonaa Xamse Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka,taasoo wada qaban qaabada taakulo Ciidan oo Somaliya lagu caawiyo dabayaaqada Sanadkan.

Taageeradaas oo dalabkeeda ay Dowlada Somaliya gudbisay dhawr Bilood ka hor,iyadoo Dawlada Maraykanku aqbashay.

Kadib waxaa lafilayaa Raysal wasaare Xamse in uu la kulmo Jaaliyada Somalida Maraykanka.

Madaxweyne Xasan,ayaa ka Gaabsaday inuu beesha caalamka soo hor istaago sababo fashil awgeed…

1: Majiraan ilaa hada Guul Laga Gaaray Dagaalka Argagixisada.

2: Somali heshiis ah Majirto oo Dowlad Goboleedkii ugu Faca weynaa ee PL iskuma san banaana.

3: Qorshe Dhaqaale oo lagu Midaysan yahay Dalku Malahan

4: Musuq maasuqii ugu weynaa ayay Dowlada Villa Somaliya fadhidaa dhex taagan tahay,kadib markii la musuq maasuqay kaalmadii Umada Somaliyed.

5: Taageero Shacab Dawladu Mahaysato oo Dan Qaraabo,ayaa loogu wanqalay.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading