Ra’isalwasaarihii Bangaladhes oo Wadankeeda ka carartay

Raiisal wasaaraha Bangladesh Shiikh Xasina,ayaa is casishay isniintii waxayna ka carartay dalkeeda, sida laga soo xigtay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, xilli ay dalkaas ka socdaan mudaharaado rabshado wata, oo ah kuwii ugu xumaa ee dalkaas soo mara muddadii uu jiray.

Talyaha Ciidamada Jeneral.Waker-Us-Zaman oo khudbad ka jeediyay Telefishinka,ayaa sheegay in Xasina oo 76-jir ahi, ay ka baxday Dalka, lana soo dhisi doono Dowlad KMG.

Warbaahinta Dalkaas,ayaa ku soo waramaysa in Sheikh Hasina inay dalka kaga dhooftay diyaarad Milateri, waxaana raacday Walaasheed. Shiikh Xasina,ayaa u jihaysatay dhinacaas iyo Gobolka West Bengal ee dalka Hindiya, kaas oo ku yaalla xuduudda ay Hindiya la wadaagto Bangladesh, inkasta oo warar kalena ay sheegayaan inay ku jihaysan tahay gobolka Tripura ee ku yaalla Waqooyiga Hindiya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading