Ra’isalwasaarihii Ingiriiska oo iscasilay ugu danbayn

Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska, ayaa shaaciey inuu ka dagay xilka ra’iisal wasaarenimo.

Boris Johnson, ayaa waxaa maalmihii ugu danbeeyey cadaadis uu uga imanayey xubnaha xisbigiisa ee Conservative-ka.

Wuxuu u mahad celiyey dadweynaha Ingiriiska, maadaama ay ku aaminneen jago aad heerkeedu u sarreeyo.

Isagoo hadalka sii wata markii uu ku dhawaaqayey is casilaadda, Boris Johnson, ayaa ku nuux nuux sadey inuu sii heyn doono jagada ra’iisal wasaarenimada, inta mid kale laga dooranayo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading