Ra’isalwasaarihii Wadanka Slovakia oo la toogtay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya falkii lagu toogtay reysal wasaaraha dalka Slovakiia.

Madaxweynaha xilka ka sii dageysa ee Slovikia, ayaa xaqiijisay in boolisku ay gacanta ku dhigeen qofkii ka dambeeyay weerarka.

Waxa ay sheegtay in saraakiishu ay bixin doonaan macluumaad dheeraad ah sida ugu dhakhsiyaha badan.

Zuzana Caputova,ayaa hadalkeeda ku dartay in toogashada lagu weeraray siyaasigeeda ay tahay “weerar ka dhan ah dimuqraadiyadda”.

Goor sii horeysay, Caputova,ayaa cambaareysay toogashada oo ay ku tilmaantay mid “arxan darro ah oo aan naxariis lahayn”.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading