Rasaas xoog leh oo ka dhacday gudaha Saldhiga Booliska Degmada Beledweyne

Is rasaasayn ayaa laga soo sheegayaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan taasoo dhexmartay ciidammada ammaanka iyo maleeshiyaad hubeysan .
 
Dad goob joogayaal ah,ayaa xaqiijiyay in galabta is israsaasaytan ay u dhexeysay maleeshiyaad qabaa’iil ah iyo ciidammada ammaanka ayna ku dhexmartay saldhigga booliska ee magaalada Beledweyne.
 
Saddex qof ayaa ku dhaawacantay xiisaaddaasi,
 
Dadka dhaacawmay waxaa loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.
 
Wararka waxay sheegayaan in maleeshiyaadkan ay doonayaan in xabsiga saldhigga booliska xoog ugala baxaan nin ku eedeysanaa inuu dil u gaystay nin ku shaqaysanayay Bajaaj.
 
Ninkan ayaa la sheegay in shalay lagu dilay gudaha magaalada Beledweyne.
 
Waxayna arrintani ka dhalatay muran dhanka canshuuraha ah.
 
Tani iyo markii dilkaasi uu dhacay waxaa xirnaa qaar kamid ah waddooyinka magaalada.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading