Rayid ku dhintay duqeyn dhanka cirka ah oo Mareykanka ka geestay dalka Afghanistaan

Ugu yaraan 14 ruux oo rayid ah ayaa ku dhimatay duqeyn dhanka cirka ah oo mareykanka ka geestay koonfurta gobolka Helmamd ee dalka Afghanistaan.

Duqeyntaan oo dhacday degmooyinka Gereshk iyo Kunar’s Chawki maalintii isniinta iyo arbacadii shalay ayaa dadka ku dhintay shan ka mid ah lagu sheegay haween halka todobada kalena ay caruur ahaayeen. 

Qabarkaan ayaa waxaa xaqiijiyay Khamiistan xafiiska qaramada midoobay ee dalka Afghanistaan oo loo yaqaan (UNAMA).

Weeraradaan ayaa imaanaya maalmo kadib markii sideed askari oo ka tirsanaa Booliska Afganistaan lagu dilay duqeyn Mareykanka uu ka fuliyay gobolka Helmamd 16-kii bishan May.

Dhanka kale afhayeenka Milatariga Mareykanka Colonel Dave Butler ayaa sheegay in ciidanka Afghanistaan oo dagaal kula jiray kooxda Taalibaan ay ka codsadeen taageero dhanka cirka ah sidaasina ay duqeynta ku Dhacday.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading