Raysalwasaaraha Itoobiya oo Maalinkii Labaad ku sugan Jigjiga

Raysal wasaaraha Dowladda Itoobiya Abiy Axmed,ayaa maalinkii Labaad ku sugan magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida.

Magaaladaas ayuu yimid shalay kadib markii uu soo furay madaarka Goday oo dib-u-dhis iyo balaarin lagu sameeyay.

Waxa safarka uu uga yimid Godey ku wehliyay madaxweynaha Dowlad Deegaanka iyo saaraakiil kale oo sare.

Raysal wasaaraha,ayaa maanta ka qeybgalay xarig jarka Warshada Furunka iyo Daqiiqda ee laga hirgeliyay dowlad deegaanka iyo mashruucyo kale.

Faahfaahin dheeraad ah weli kama soo bixin qorshaha shaqo ee laga yaabo in uu u tagay Jigjiga, iyo xitaa inay marin nasiino u tahay Magaalada.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading