Roobab daadad xoogan wata oo ka da’ay Nugaal.

Roobab mahiiggaan ah oo saacado badan da’ayay, ayaa mowjado daadad ah ku soo rogay degaanno ka tirsan gobolka Nugaal.

Degaanno ay ku jiraan Sinujiif, Dangoroyo, Uusgure, Libaaxo, Xaaji Khayr iyo Dalsan, ayaa la soo sheegayaa in ay daadad xooggan ku celiyeen, roobabka gu’ga oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ayay halkaasi.

Balse, iyadoo ay weli subaxnimo hore tahay, ayaan xog faahfaahsan laga hayn, khasaaraha ka dhashay daadadka ku rogmaday tuulooyinkaasi oo dhammaantood ku yaalla dhulka hoose ee loo yaqaanno “Ayax-geed-gaaban”.

Caasimadda Puntland ee Garoowe, ayaa sidoo kale roobkii shalay ku bilowday uu weli ka da’ayaa, waxaana maayado biyaa dhex qul-qulayaan gudaha magaalada, iyadoo ay khatar wajahayaan dadka ku nool xeryaha barakacayaasha ee nawaaxiga Garoowe oo meela godan ku yaalla.

PUNTLAND POST


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading