Rooble iyo Dhabancad oo isku fahmi waayay dhaarta Xildhibaanada Ceel-waaq

Gudoomiyaha Baarlamaanka kmg ah Dhabancad,way isku fahmi waayeen kulankii galabta Ra’isalwasaare Rooble.

Sida aan xogta ku helay Dhabancad,waxuu soo jeediyay in la hakiyo dhaarinta Xildhibaanada Ceel-waaq oo lala sugo Doorashada Gudoonka cusub oo iyagu ay go’aan ka gaaraan.

Halka Rooble ku adkaystay in ka hor doorashada la dhaariyo oo ay ka qaybgalaan doorashada Gudoonka.

Soo jeedinta Dhabancad waxay noqotay lama filaan aan looba fadhiyin,waxaana hada socda dadaal looga dhaadhicinayo dhaarinta Xildhibaanada Ceel-waaq.

Dhabancad oo Da’diisa ku helay Gudoonka Kmg ah iyo Rooble waxay kawada soo jeedaan hal Beel.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading