Rooble iyo Dhabancad oo kulan xasaasiya wada qaatay

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa la kulmay Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad oo ay ka wada hadleen howsha doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo heer gebogebo ah mareysa.

Qodobada ay kawada xaajoodeen,waxaa ugu waa weynaa sida laga yeelayo Xildhibaanada lagu soo doortay Ceel-waaq,kuwaasoo ay isku dayayaan Xildhibaano u adeegaya F&F in ay buuq ku furaan dhaarintooda.

Kala bar Xildhibaanada lagu doortay Ceel-waaq,waxay qaateen Shahaadada,inta hartayna ilaa beri in ay qaataan ayay ubadan tahay.

Dhaarinta Xildhibaanadaas ayay ubadan tahay in ay dhacdo isla beri ama Saadanbe.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading