Rooble iyo Qoorqoor oo khilaafkoodii la xaliyay!

Waxaa goor-dhaweyd soo dhamaaday kulan u dhexeeyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), kaas oo xal loogu raadinayay khilaaf ka dhex taagnaa labada Nin.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, kulanka oo ahaa dhexdhexaadinta labada nin ay hormuud u ahaayeen Siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada Galmudug, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaana ku eedeeyay Qoorqoor inuu dibin daabyo ku hayo howlaha Qaran ee uu hoggaanka hayo, sidoo kalena uu la safan yahay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, oo khilaaf adag kala dhexeeyo.

Dhinacyo kala duwan oo isugu jiray siyaasiyiin iyo dad kale ayaa ku dhaliilayay Maadaxweyne Qoorqoor inaanu doorkiisii saxda ahaa qaadanin intii ay socotay waan-waantii Farmaajo iyo Rooble, laakiin hada sida muuqata howshaas ay ka heshiiyeen isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading