Rooble miyuu kaga adkaaday loolankii Siyaasadeed Farmaajo iyo Fahad?

Rooble Dadku inta badan way ku jahwareersanaayeen sida uu ushaqeeyo.

Balse xogo,ayaa sheegi jiray in uu hadaf dajistay oo uu ku taagan yahay ka miro dhalintiisa.

Qorshahaas,waa lagu murmi jiray oo wax badan,ayaa layska waydiin jiray jiritaankiisa..

Balse mid-mid ayay uhirgaleen oo loo arkay..

1.Xamar,ayuu colaad sokeeye ka badbaadiyay.

2.Fahad,ayuu xilkii Agaasime ka qaaday oo Goobe udhiibay,kadib qaraxii ka dhacay,waxaa lagu baandhaystay in Villa-da loo daayo Yaasiin Farey oo ay keentay Rooblena helo Labo Wasiir.

3.Jubaland,ayaa Kursigii Cabdiraxmaan Dheere oo ah Fahad Gacantiisa Midig lagu cunay.

4.Puntland,ayaa Kuraastoodii Dhulka looga jiiday tiro Wasiiro ah oo Nisa toos ugu xirnaa.

5.Galmudug,ayaa laga soo saaray haldoorkii Hawiye ee macnaha lahaa.

6.Fahad,ayaa Cag laga saaray Kursigii Xildhibaanimo oo uu Golaha cusub ku dhexgeli lahaa,waxaana qorshuhu yahay ugu yaraan in la dhaafiyo Doorashada Gudoonka iyo Madaxweynaha.

7.Lacagtii SL uu ka xanibay Farmaajo,ayaa loo fasaxay,iyagoo ay goob-joog ka yihiin Agaasimihii Bangiga,Wasiirkii Maaliyada iyo RW-xigeenkii oo kuligood reer Waqooyi ah

8.Farmaajo,waxuu Taleefoon udiray Muuse Biixi,isagoo uga dan leh istusid Xildhibaanada R.Waqooyiga,balse Rooble waxuu fariisiyay Ganacsatadii Xamar,waxuuna ka keenay Qaaraan 2-Milyan oo Dolar ah,isagoo ku kabay Hal Milyan oo Dowlada dhankeeda ah,Taleefoona waa udiray Muuse.

9.Rooble waa Musharax Madaxweyne oo ugu yaraan heli doona 25-Cod oo ubadan Gobolada Waqooyi.

Intaas oo Qodob Rooble si degan oo qunyar socod ah,ayuu ufuliyay.

Taariikhda,waxuu ku geli doonaa in uu Dalka ka badbaadiyay Fahad iyo Farmaajo oo uusan noqon Khayrihii Labaad.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading