Rooble oo dib ugu soo laabtay Dalka

Dalka ayaan dib ugu soo laabannay ka dib booqasho sadex maalmood qaadatay oo aan ku tagnay dalka Kuwait.

Waxaan ka qeyb galnay tacsida iyo ducada AU amiirkii dalka Kuwait ee dhawaan geeriyooday Shiikh Sabaax Alaxmed Alsabaax.

Waxaan sidoo kale kulan muhiim ah la qaadannay Amiirka cusub ee dalka Kuweyt Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-jaabir Al-sabaax waxaanan ka wada hadalnay mustaqbalka iyo xariirka labada dal.

Waxaan sidoo kale saakay booqday safaaradda DFS ee Kuwait. Waxaanan warbixin ka dhageystay Safiirka iyo howlwadeennada safaaradda oo shaqa muhiim ah Qaranka u haaya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading