Rooble oo Guddi wasiiro ah u saaray baaritaanka xasuuq ay geysatay AMISOM (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Soomaaliya ee Ugandha ayaa sheegay in baaritaan ay ku sameyn doonaan xasuuqii Amisom ay u geysatay dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa deegaanka Golweyn.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay waxa ku dhacay dadkaa isla markaana uu uga tacsiyeynayo eheladooda, caddaaladdana lala tiigsan doono askartii falkaas geysatay.

“Xaqiiqdii waa arrin fool-xun oo aan aad iyo aad uga damqanay, waxaa halkaan igu soo booqday Safiirka Uganda & taliyaha qaybta iyaga oo tacsida iigu yimid, waan u sheegay in aan marnaba raalli ka ahayn in la dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed oo naloo igmaday in aan xaqqooda u istaagno” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Wasiirada Wasaaradaha Gaashaandhiga, Arimaha Gudaha, Amniga iyo Wasaaradda Caddaaladda ayaa loo xil saaray in ay baaritaan ku sameeyaan Kiiskaas si caddaalad loogu helo dhibanayaasha.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading