βMadaxweyne Musaveni,Aniga,Walaalkeey Xasan Shiikh iyo Abiye Axmed,ayaa qorsheynayna in aan kulano,si hoos loogu dhigo xiisada Gobolka,sababtoo ah amniga Somaliya waxuu qeyb ka qaataa Deeganaanta iyo xasiloonida Gobolkaβ.Ayuu yiri Ruto.
Si Guud hadalka Ruto,waxa uu bahdil ku yahay Sinjiga Somaliga oo waxa uu duurxul uyahay MW Somaliya Ninka huwan ee Madasha fadhiya.
Hadalka Ruto,waa fariin cad oo oranaysa…”Colaad iyo xaalad kacsan Gobolka loogama baahna ee Xasanoow mida Gudaha Wadankaaga ku filnow dajinteeda (JL)”.
Dhanka kale kulanka la filayo in uu dhexmaro Xasan iyo Abiy ee uu Ruto Carabaabay,waxay xoguhu sheegayaan in uu ka danbeeyo cadaadis ka yimid Maraykanka.
Haduu qabsoomo kulankan,Xasan,waxa uu ku luminayaa Magacii uu ka helay loolankii MOU-ga.
Marka laga soo tago caadifada kulanku hadii looga laabanayo MOU-ga,waa guul Siyaasadeed.
Sidoo kale Xasan loolankiisa JL iyo SL si uu uga miro dhaliyo,waa wax la fahmi karo in uu umuujiyo dabacsanaan Dowladaha dariska ah.
Isku soo wada duuboo gudo iyo dibad Xasan rabitaan loogama hayo mana jiri doono Wadan aaminaya Siyaasadiisa iyo ballamihiisa.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.