Ruushka kala bar Taangiyadiisii ku waayay dagaalka Ukrain

Waxaa la rumeysanyahay in Ruushka uu dagaalka ku waayay boqolaal taangiyadeed ah iyada oo uu dagaalka Ukraine socdo muddo labo bil ah.

Qubarada amniga waxa ay sheegayaan in ay ugu wacantahay hubka lidka taangiyada ee ciidamada Ukraine ay ka heleen reer Galbeedka.

Waxase ay sidoo kale qabaan in Ruushka ay si qaldan u isticmaaleen taangiyada, taasina ay keentay in la burburiyo.

Sida uu sheegay bogga Oryx iyo qiimeyntooda, kala bar taangiyada Ruushka waa la burburiyay, ama waa la qabsaday ama goobaha dagaalka ayaa looga cararay.

Prof O’Brien ayaa yiri “Waad aragteen ayaan filayaa in nin beeralay ah oo reer Ukraine ah oo cagaf ku jiidaya taangi Ruush ah, taangiyadan jidka ayaa looga tagay shidaal la’aan awgeed, gaar ayaa ku xanibmay barafka, sababtoo ah madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin waxa uu dagaalka qaaday xilli aan haboonayn dhanka cimilada”.

Nick Reynolds ayaa isaga qaba in ciidanka Ruushka uu ka koobanyihiin askar iyo dad dhibboow qasab ah kasoo baxay, sidaasi darteed tayada tahay mid liidata. Taangiyada intooda badan ayaa ka dhacay buundooyinka , gaarkood ayaa ku dhacay dhufeysyo taas oo sababtay in silsiladda taangiga ay gebi ahaanba burburto.

Dowladda Ukraine ayaa waxa ay gaartay heer ay saxaafadda dadkeeda uga shegeto waxa ay ku samayn lahaayeen haddii ay la kulmaan taangiyada Ruushka oo laga tagay, waxaana dadka loo sheegay in qofkii hela qalab militari aanan laga rabin canshuur.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading