Ruushka oo Afrika ku taageeraya Qamadi,Hub iyo Sirdoon

“Afrika,waxaan kala shaqaynayaa sidii ay ku heli lahaayeen Hub,Qamadi iyo Wardoon mararka qaarkood bilaash ah”Ayuu yiri Ruushku.

Waa Sadex waxyaalood oo baritaar u ah kaligood talyayaasha Kuraasta ku dhegan ee Afrika,taa badalkeedana ceeb iyo yax-yax ku ah Shucuubta Qaarada.

Qamadi,Hub iyo Sirdoon uma qalanto Bulshada Qaarada in lala hor yimaado.

Ugu yaraan reer Galbeedku,waa ka xishoodaan waxaas oo kale in ay masraxa lasoo istaagaan oo,waxay dantooda ku dhex darsaan arimo uqalma Bini’aadamka sida…

1.Ilaalinta Xuquuqda Bini’aadamka
2.Xoojinta Dimuqraadiyada.
3.Adeegyada Asaasiga ah ee Bulshada.
4.Taageerada Miisaaniyadaha Dowladaha.
5.Taageerida Hay’adaha gargaarka.
6.Kobcinta Dalagyada Cunnada.

Markii horaba,waxaa bahdil ahayd in Putin iyo 50-hogaamiye Afrikaan ah ukulmaan si isu qalanta.

Madaxda Afrikaanku kalama hadlin Ruushka dagaalka Ukrain,balse waxay xooga saareen siday uga heli lahaayeen Qamadi bilaash ah,taasoo hoosta ka xariiqaysa garashada iyo damiirka hooseeya ee Madaxda Afrika.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading